Home / Habka-Nolosha / Cayaartoygii saddexaad oo 48 saac gudahood geeriyooday

Cayaartoygii saddexaad oo 48 saac gudahood geeriyooday

Wiilka qadka dhexe uga dheeli jiray kooxda Clyde Chris Mitchell ayaa ku geeriyooday da’da 27 sano.
Laacibka ayaa sidoo kale u soo cayaaray kooxo ay kamid yihiin Falkirk, Ayr United, Bradford City iyo Queen of the South.

Kooxda kubadda cagta Clyde ayaana maanta xaqiijisay geerida wiilkii qaranka Scotland oo kabaha kubadda cagta siibay afar bilood kahor markii uu helay shaqo kubadda cagta ka baxsan.

Kooxda reer Scotland ayaana warbixin ku tiri “Qof walba oo la xiriira Clyde FC wuu ka murugsan yahay geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Chris Mitchell.”

Baaritaano dheeri ah ayaa lagu sameynayaa si loo ogaado xiddigan waxa uu u geeriyooday.

Waa cayaartoygii saddexaad oo 48 saac gudahood geeriyooda, waxaana liiska kula jira laacibiintii kooxaha Dinamo Bucharest iyo Friburgense Athletic Club iyadoo la xaqiijiyay labada cayaartoy ee kala ah Ribeiro iyo Patrick Ekeng oo 26 jiro ahaa inay u geeriyoodeen markuu wadnuhu istaagay.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan