Home / Habka-Nolosha / Cazorla oo 10 toddobaad maqnaanaya kadib dhaawac soo gaaray

Cazorla oo 10 toddobaad maqnaanaya kadib dhaawac soo gaaray

Muqdisho – Macalinka Arsenal, Arsen Wenger ayaa ka cabsanaya in xiddiga Santi Cazorla ee u dhashay dalka Spain uu garoomada ka maqnaado muddo 10 toddobaad ku dhow kadib dhaawaca kasoo gaaray anqawga.

Laacibka Cazorla ayaa garoomada ka maqnaa taniyo dhamaadkii October isaga oo kaliya 11 kulan ka ciyaaray xilli ciyaareedka socda oo dhan.

Hayeeshe, 32-jirkan ayaa sii qaadanaya waqti dheeri ah oo uu ka maqnaan doono garoomada kadib dhaawiciisa  – iyada oo Wenger uu kaliya rajeynayo in Cazorla uu kusoo laaban doono garoomada dhamaadka xilli-ciyaareedkan.

“Wuu ka fog yahay inuu dib ula kowsan karo ciyaaraha kooxda,” Wenger ayaa ku sheegay shir jaraa’id. “Laga yaabee inuu nala dhameysan karo gabagabada xilli-ciyaareedka.”

Arsenal ayaa kaalinta shanaad kaga jirta kala horreynta horyaalka England PL – iyada oo ciyaarteeda xigta la balansan kooxda Swansea.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan