Home / COVID 19 / CDC: Africa waxey wajaheyso mowjaddii labaad ee Covid-19
A worker assembles components for Constant Positive Airway Pressure, C-PAP, ventilation devices on the South African Ventilator Emergency Project assembly line at MCR Manufacturing Co (Pty) Ltd. in Rosslyn, South Africa, on Thursday, Aug. 27, 2020. A group of South African car-part makers have switched their focus to the local production of breathing aids, a move to help the countrys health system and protect jobs threatened by the Covid-19 crisis. Photographer: Waldo Swiegers/Bloomberg via Getty Images

CDC: Africa waxey wajaheyso mowjaddii labaad ee Covid-19

Himilo – Xarunta ka hortagga iyo xakameynta cudurrada ee Africa, ayaa sheegtay in dalalka qaaradda ay wajahayaan mowjadii labaad ee feyruska corona, xilli la heli karo 20% tallaalka ay u baahan yihiin dadyowgeeda.

Sida lagu xusay xogta CDC wadamada bariga ayaa xudun u ah mowjadda labaad ee cudurka Covid-19, sida Uganda oo gobol waliba uu gaaray feyrusku, dalka ay jaarka yihiin ee Rwanda iyo Kenya oo shaqaalaha caafimaadka ayba sugayaan mowjaddii seddaxaad.

Xarunta oo kaashaneysa hay’adda caafimaadka Adduunka, ayaa todobaadyo waday dedaalo ay ku baraarujinayaa dowladaha qaaradda, bal si loogu diyaar garoobo mowjadda labaad ee feyruska dilaagga ah ee corona, laakiinse lama ajiibin. Inkastoo sidii tabneed ee la saadaalinayay cudurka uusan u saameynin qaaradda Africa, haddana waxaa qaaday 2.4 milyan oo ruux halka tira dhimasho oo ka badan 57-kun la diiwaan galiyay.

Taasi waxaa sii dheer walaaca laga muujinayo in wadamada qaaradda ay helaan tallaalka Covid-19 xilligga ugu habboon. Sida uu sheegay John Nkengasong, agaasimaha xarunta ka hortagga iyo xakameynta cudurrada ee Africa, xaalku waa hubanti la’aan.

Rajada la qabo ayaa ah qorshaha COVAX, kaas oo tallaalka coronavirus qiima jaban lagaga iibinayo dalalka saboolka ah iyo kuwa dhaqaalahoodu hooseeyo, si loo wada gaaro dadyowga dunida, waxaana qorshahaasi hormuud ka ah WHO.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan