Himilo – Kooxda Chelsea, ayaa la werinayaa inay kala diri doonto afar kamid ah xidigaheeda si ay lacag ugu hesho saxiixa ciyaariyahanka kooxda West Ham United ee Declan Rice.
Chelsea ayaa la fahansan yahay inay hadda u jiheystay dhinaca Rice, kadib heshiiskii Edouard Mendy, kaas oo la filayo in maalmaha soo socdo uu si rasmi ah ugu biiro kooxda Blues.
Si waliba, kooxda Wets Ham United ayaa ku dalban karta xidigeeda aduun lacageed dhan £74.1m.
Daily Star ayaa werinaya in tababare Frank Lampard uu hoosta ka xariiqday afarta ciyaartooy ee uu iibin doono si uu lacago badan u helo.
Waxaa xagga sare kaga jira xidigaha la fasaxi doono Jorginho, kaas oo lala xiriirinayay kooxda Juventus ka hor inta aanan la raacdeyn Maurizio Sarri.
Waxaa raaci kara Tiemoue Bakayoko iyo Danny Drinkwater, kuwaas oo hadda loo arko in laga maarmi karo.
Blues-ka ayaa xagaagan kaalinka koowaad ka gashay lacagaha kooxda ku qarash gareeyeen suuqa kala iibsiga, taas waxey u suurgalisay inay shaxdeeda kusoo biiriso Hakim Ziyech, Timo Werner, Ben Chilwell, Xavier Mbuyamba iyo Malang Sarr oo ay wehliyaan Havertz iyo Silva.