Himilo – Kooxda Chelsea ayaa la warinayaa in amaah aysan ku fasaxi doonin xiddigeeda da’da yar ee Faustino Anjorin bisha ina soo aadan ee Janaayo markaas oo uu furmayo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.
Koox dhowr ah oo ka ciyaara Premier League iyo Championship, ayaa muujinayay xiisahooda ku aadan soo qaadashada da’yarkaan.
Balse sida ay daabacday mareegta The Athletic, Chelsea ayaa door bideysa inay haysto xiddigeeda ka ciyaara qadka oo ay fursado badan ka siiso kooxda koowaad.
19–jirkaan oo loo tixgaliyo xiddiga ugu wanaagsan ee kasoo baxay akadamiyadda Chelsea, ayaa ka soo muuqday xagaagan Champions League iyo EFL Cup.
hadalkan ayaa beeninaya warar bilooyinkii dhawaa sheegayay in kooxdu amaah isaga diri doonto Faustino Anjorin.