Home / Cayaaro / Chelsea oo 23 m ku dooneysa 17 jir u dhashay dalka France

Chelsea oo 23 m ku dooneysa 17 jir u dhashay dalka France

Himilo – Da’yarka Saint-Etienne Lucas Gourna-Douath ayaa lagu soo waramayaa inuu  bartilmaameed u yahay kooxda Chelsea.

Iyadoo Thomas Tuchel uu dhawaan bedelay Frank Lampard, tababaraha Jarmalka ah ayaa la filaya in loo gacan geliyo qarashaad xagaaga.

In kasta oo Chelsea lala xiriirinayey xiddigo uu ka mid yahay Erling Braut Haaland, haddana waxay u muuqataa in madaxda sare ee Blues ay sidoo kale isha ku hayaan inay ku darsadaan kooxdooda rajo aan la hubin.

Sida laga soo xigtay Foot Mercato, Chelsea waxaa soo jiitay horumarka qadka dhexe ee Gourna-Douath, kaasoo ku biiray kooxda koowaad ee Saint-Etienne xilli ciyaareedkan.

17 jirkaan ayaa horay loo siiyay sagaal kulan oo uu ku soo bilaawday iyo 14 kulan oo bedel ah oo uu ka soo muuqday Ligue 1, oo ay ku jiraan 90ka daqiiqo ee buuxa oo uu dheelay markii ay kooxdiisa barbaro 1-1 la gashay Paris Saint-Germain bilowgii 2021.

Chelsea ayaa waxa ay diyaar la tahay inay bixiso 23 milyan ginni oo ah qarashka ciyaaryahanka qandaraaskiisa lagu bur burin karo kaas oo uu kula jira Saint-Etienne ilaa 2023.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan