Himilo – Naadiga Chelsea ayaa wadahadal la furtay kooxda AC Milan kaasi oo ku saabsan suurta gal nnimada inay la wareegto goolhaye Gianluigi Donnarumma xilli ciyaareedkan.
Blues ayaa kamid ah kooxaha ugu firfircoon suuqa xagaagan iyada oo dhowr ciyaartoy lasoo saxiixatay muddooyinkii danbe, waxayna xilli ciyaareedka 2020-21 u diyaar garoobayaan sidii ay u noqon lahaayeen koox awood ku leh tartamada maxalliga iyo dibadda.
Kepa Arrizabalaga oo goolhaye u ah Chelsea ayaa la kulmay dhaleeceyn badan fasalkii dhammaaday, tababare Lampard ayaana baadigoobaya qofka uu ku beddeli lahaa laacibkan kaasi oo hadda ah goolahaya ugu qaalisan dunida.
Warbaahinta Football Insider, waxa ay werineysaa in Chelsea ay Milan wadahadal la furtay oo ku aadan goolhaye Donnarumma kaasi oo joogitaankiisa San Siro uu kaga haray hal sanno, waxayna Milan 21-jirkaan ku dooneysaa qiimo dhan £50m.
beliefs 96, 97 pain factors to predominate in our review what is priligy tablets Nilotinib 200mg Tasigna 200mg Capsule, Treatment Blood Cancer, 28 Capsules