Home / Cayaaro / Chelsea oo dooneysa Borussia Dortmund weeraryahankeeda Erling Haaland

Chelsea oo dooneysa Borussia Dortmund weeraryahankeeda Erling Haaland

Himilo – Chelsea ayaa la werinayaa in ay Borussia Dortmund weeraryahankeeda Erling Haaland ka dhiganayaan bartilmaameed xagaaga soo aadan.

Sida uu ku warramayo saxafiga  Angelo Mangiante ee ka tirsan Sky Sports, Chelsea ayaa isku dayi doonta soo qaadashada laacibiinta Haaland iyo West Ham United khadkeeda dhexe  Declan Rice.

Haddii ay Chelsea la saxiixaneyso labada xiddig ee Rice and Haaland xagaagan waxay qarash garreyn doonaan adduun lacageed dhan £140m. kooxda West Ham United ayaa dalabka Rice ku dooneysa  £70m, halka Haaland lagu iibin karo £68m si ay loo helo weeraryahanka Borussia Dortmund.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan