Home / Habka-Nolosha / Chelsea Oo dooneysa soo celinta David Luiz

Chelsea Oo dooneysa soo celinta David Luiz

Kooxda Chelsea ayaa si layaab leh oo daahitaan uu ka muuqdo ugu dhaqaaqday soo xerogalinta daafacoodii hore David Luiz kaas oo ku sugan Paris Saint Germain, aduun dhan 32 Malyan oo Pound ayeyna diyaar la tahay kooxda ka dhisan galbeedka London.

Dalabkaan ayaa kusoo aaday xilli David Luiz uu dareemayo inuusan waji wanaagsan ka heli doonin macalinka cusub ee kooxda Unai Emery kaas oo durba aan muhiim u arkin ciyaariyahankii hore Benfica.

29-jirkaan heerka caalami ayaa sanadkii 2014 lacago rikoor ah ugu biiray kooxda Paris Saint Germain, balse haatan Unai Emery uma arko in xidigaan uu noqon karo dooqiisa koowaad.

Xurgufta labadaan nin aya sii xoogeysatay markii David Luiz uu rigoore u keenay kooxdiisa kulankii ay guuldarada kala kulmeen Monaco isbuucii hore markaas oo ciyaariyahanka reer Brazil badal ciqaab ah lagu sameeyay.

Si kastaba Blues ayaa u weecaneysa David Luiz, markii ay ku hungowday saxiixa daafaca reer Senegal iyo kooxda Napoli Kalidou Koulibaly, sidoo kalana Blues ayaa laga so diiday dalab ay ka gudbisay da’yarka Milan Alessio Romagnoli.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan