Home / Cayaaro / Chelsea oo Fikayo Tomori u oggolaaneysa in uu amaah ugu tego January

Chelsea oo Fikayo Tomori u oggolaaneysa in uu amaah ugu tego January

Himilo – Chelsea ayaa la werinayaa in laacibka Fikayo Tomori u oggolaanayaan in si amaah ah ugu dhaqaaqo kooxda marka la gaaro bisha January xilligaasi oo uu furmi doono suuqa kala iibsiga.

Xiddiga qaranka England ayaa kaga soo biiray West Ham United horranantii sannadkan , markaasi oo uu boos ka waayay kooxda ku ciyaarta London Stadium.

Waxa uu rajaynayay inuu u dagaalami karo shaxda koowaad ee Chelsea, balse Antonio Rudiger oo dib ugu soo laabtay naadiga ayaa sababay in 22 sanno jirkaan uusan kasoo muuqan ciyaaraha tan iyo September 29-keedii.

Sida ay ku warrameyso The Telegraph, Chelsea ayaa rajayneysa in laacibkan uu si amaah ah kooxda kaga dhaqaaqi karo qeybta labaad ee xilli ciyaareedka.

About Sadia Nour

One comment

  1. Test P 100 by HutechLaboratory Hutech LabsShape InjectionIngredients Testosterone PropionateConce does viagra work if you’ve been drinking

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan