Himilo – Sida ay ku warrameyso ESPN, Chelsea ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso Kepa Arrizabalaga marka la gaaro bisha January.
Kepa ayaa lumiyay booskiisa kusoo bilaabashada safka koowaad ee Chelsea kaddib markii kooxda ay lasoo saxiixatay Edouard Mendy oo ka yimid Rennes.
Arrizabalaga waxa uu Chelsea ugu soo biiray €80 million, lacagtaasi oo aheyd mid sare xilligaasi oo uu ka yimid Athletic Bilbao xagaagii 2018.
26 jirkaan ayaa goortaasi beddel u noqday Thibaut Courtois, kaasi oo ku biiray Real Madrid. Laacibkan reer Spain ayaa hadda wajahaya caqabad weyn oo uu ku dareemayo naadiga Blues oo iyadu u muuqaneysa mid ka maarantay qaab ciyaareedkiisa oo in badan dhibsadeen jamaahiirta iyo maamulka sare ee kooxda.