Home / Cayaaro / Chelsea oo isku diyaarinaysa saxiixa Ivan Tony

Chelsea oo isku diyaarinaysa saxiixa Ivan Tony

Himilo – Chelsea ayaa lagu soo warramayaa inay u dhaqaaqi karto weeraryahanka Brentford Ivan Toney inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga soo aadan.

Blues ayaa la filayaa inay suuqa u gasho weeraryahan dhexe oo cusub dhamaadka ololahan, iyadoo Pierre-Emerick Aubameyang laga yaabo inuu ka tago hal xilli ciyaareed ka dib kooxda.

Romelu Lukaku ayaa lagu wadaa inuu ku laabto Stamford Bridge sanadka soo socda ka dib markii uu amaah ku joogay Inter Milan, inkastoo ay weli jirto hubanti la’aan weyn oo ku xeeran mustaqbalka fog ee Belgian-ka.

Sida laga soo xigtay saxafiga Pete O’Rourke, Chelsea ayaa raadin doonta inay la soo wareegto “lambar cusub oo sagaal ah” ka hor ololaha 2023-24, waxaana Toney u soo muuqday bartilmaameedka kooxda.

Wadar ahaan, weeraryahanka ayaa dhaliyay 58 gool, waxaana loo diiwaan geliyay 19 caawin 105 kulan oo uu u saftay Bees tan iyo markii uu ka soo dhaqaaqay Peterborough United Sebtember 2020.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan