Chelsea oo ku qasban in ay £80m ka bixiso Chilwell

0
9

Himilo – Chelsea ayaa ku qasban in ay bixiso £80m si ay u xaqiijiso saxiixa cayaaryahanka Leicester City ee Ben Chilwell.

Tababaraha kooxda Frank Lampard ayaa la soo warinayaa in uu xiiseynayo Chilwell. Sida laga soo xigtay Sky Sports News, Blues ayaa dooneysa inay xaqiijiso saxiixa 23 jirka.

Si kasta, iyada oo qandaraaska Chilwell uu dhacayo 2024-ka haddana kooxda Leicester ayaa loo badinayaa inay dalban doonto £80m.

Chilwell  ayaa dhaliyay labo gool isaga oo caawiyay seddex kale 23 kulan oo horyaalka Ingiriiska ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here