Himilo – Chelsea ayaa qorsheyneysa inay heshiis cusub u soo bandhigto daafaca Andreas Christensen si abaalmarin looga dhigo qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah ee uu kaga hoos ciyaaro tababaraha cusub ee Thomas Tuchel.
Danish-ka, oo joogay Stamford Bridge tan iyo 2012, ayaa qandaraaskiisu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda.
Inkastoo wadahadalada aysan wali bilaaban, Chelsea ayaa la sheegay inay ka warqabaan in kooxaha kale ee ka dhisan Yurub ay isha ku hayaan xaalada isla markaana aysan dooneynin inay lumiyaan 24 jirkaan.
Sida laga soo xigtay The Telegraph, Chelsea ayaa haatan ‘laga sugayaa’ inay wadahadalo qandaraas kordhin cusub ah la furto si loogu abaalmariyo waxqabadkiisa cajiibka ah ee kooxda cusub.
Christensen ayaa muhiim u ahaa Tuchel tan iyo markii uu kooxda yimid horaantii bishii Febraayo, isagoo bedelay Thiago Silva kulankii Tottenham.
Waxa uu seegay kaliya hal kulan oo horyaalka ah tan iyo markaas, toddobadii kulan ee uu ku lug lahaa, kooxda Tuchel waxaa laga dhaliyay kaliya hal gool.
Qaab ciyaareedka cajiibka ah ayaa waxaa ka mid ah shabaq nadiif ah kulamadii Tottenham, Atletico Madrid, Manchester United iyo Liverpool.