Home / Habka-Nolosha / Chelsea oo miiska u dhigaysa adduun lacageed helidda Arturo Vidal

Chelsea oo miiska u dhigaysa adduun lacageed helidda Arturo Vidal

Muqdisho – Kooxda Chelsea ayaa miiska dhigaysa 38 malyuun oo Gini si ay usoo xera-geliso laacibka Arturo Vidal.

Taas waa marka loo eego warsidaha The Sun oo sheegay in Blues-ka ay u weecdeen xera-geshiga laacibkan xoojiyaha qadka dhexe ee reer Chile kadib markay suura-gelin waayeen heshiiska laacibka kooxda Rome Radja Nainggolan.

Vidal ayaa kasoo dhinac shaqeeyey tababare Antonio Conte xilligii kooxda Juventus – macalinkuna hadda wuxuu heystaa adduun lacageed kaga soo xerooday iibka laacibka Oscar ee ka aaday kooxda Shangai ee Shiinaha.

Bayer Munich ayaa la tilmaamaya in laacibkan 29-jirka ah ay ku dooneyso adduun gaaraya 40 malyuun. Halka ay iyagu kula soo wareegeen 25.8 bartamaha sanadkii 2015.

 

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan