Home / Cayaaro / Chelsea oo sameysay saxiixeedii 7aad ee suuqa

Chelsea oo sameysay saxiixeedii 7aad ee suuqa

Himilo – Kooxda Blues, ayaa heshiis ku kacaya 22-milyan oo gani kula soo wareegtay gool haye Edouard Mendy, kaas oo joogi doona garoonka Stamford Bridge muddo shan sanno ah.

28-jirkan ayaa noqonaya saxiixii todobaad oo ay sameeyso kooxda xagaagan. Xiddigaha kusoo xera galay saxiixyadaasi waxaa kamid ah Hakim Ziyech, Timo Werner, Ben Chilwell, Thiago Silva, Malang Sarr iyo Kai Havertz.

Mendy, ayaa raacaya wadadii gool-haye Petr Cech, kaas oo isla kooxda Rennes kaga soo biiray Chelsea sannadkii 2004-tii.

Waxa uu shabaqiisa ilaashaday sagaal kulan 24-jeer oo uu kasoo muuqday horyaalka Faransiiska ee League 1.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan