Home / Cayaaro / Chelsea oo soo bandhigtay qiimaha lagu iibsan karo N’Golo Kante

Chelsea oo soo bandhigtay qiimaha lagu iibsan karo N’Golo Kante

Himilo – Kooxda Chelsea ayaa dul dhigtay £80 milyan qiimaha lagu iibsan karo xiddiga khadka dhexe N’Golo Kante, kaasi oo uu dalab kaga imaanayo kooxda Italy ka dhisan ee Inter Milan.

Waxaa lasoo werinayay in Antonio Conte uu doonayo in uu dib ula midoobo laacibka reer France, kaasi oo hoggaamiyaha reer Italy ka caawiyay in xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay uu ku guuleysto Premier League xilligiisii Stamford Bridge.

Sida ay ku warrameyso Mirror, Chelsea ayaa xiddigan kamidka ah kuwa ugu wanaagsan dunida u oggolaan doonto in kooxda uu ka dhaqaaqo.

Naadiga Blues ayaa dhowr xiddig lasoo wareegtay xagaagan, kuwaasi oo ay kamid yihiin Hakim Ziyech, Timo Werner, Silva iyo Ben Chilwell.

Warbixinnadu waxay intaasi raacinayaan in Kante uusan aheyn xiddiga keliya ee Chelsea ah kaasi oo laga doonayo Serie A, Conte ayaa sidoo kale doonayo weeraryahan Olivier Giroud halka Emerson Palmieri uu isaguna dalab ka helayo Juventus.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan