Himilo – West Ham United khadkeeda dhexe ee Declan Rice ayaa la werinayaa in weli yahay dookha kooxda Chelsea.
Blues ayaa si aad ah loola xiriirnayay 21 sano jirkaan muddooyinkii danbe, laakiin West Ham ayaa rumeysan laacibka England qiimo ka yar £70m aanan lagu iibin doonin.
Rice ayaa kamid ahaa xulshada ugu muhiimsan Hammers ololaha 2020-21 isaga oo kabtan u noqday kooxda David Moyes shan kamid ah lix kulan oo ay ciyaareen horyaalka Premier League.
Sida ay werinayso Daily Star, Chelsea ayaa u baahan sooqaadashada laacibkan, iyadoo hoggaamiyaha Blues Frank Lampard uu bartilmaameedsanayo barbaarkaan.