Himilo – Cowboy Tuff Chex, waxaa magaciisa lagu daabacay buugga lagu keydiyo waxyaabaha ka baxsan hab fikireena ee dadku sameeyaan amaba abuurka alle ah ee Guinness World Record, si loogu maamuuso geesaha uu Eebbe u maneystay ee dhirirkoodu gaarayo 262.5 cm amaba 8.6-feet.
Waxaa la guddoonsiiyay shahaado ay wehliso abaal marin lacageed dhan $500,000 (Shan boqol oo kun oo doolar).
Waxa uu dhigay rikoor cusub, isaga oo noqday dibiga ugu geesaha dheer caalamka ee maanta nool, abaal marintiisana waxey dhiirigalineysaa dadka ku hawlan dhaqashada xoolaha, sidaasi waxaa lagu yiri qoraal koobnaa oo lasoo dhigay mareegta Guinness World Record.
Chex, ayaa markiisii hore ku noolaa gobolka Oklahoma, waxaase markii danbe soo iibsaday Richard iyo Jeanne Filip, kuwaas oo hadda ku dhaqda gobolka Taxes ee dalka Mareykanka.
Geesaha dibigan ayaa si deg deg ah u kobcayay seddaxdii sanno ee u danbeysay, taas oo keentay in lagu dhigo buugga Guinness World Record, waxaana suuragal ah in qiimaha lacageed ee lagu iibsan karo ay kororto.