Home / Madadaalo / Chile: Madaxweynihii dalka oo la ganaaxay
FILE PHOTO: Chile's President Sebastian Pinera delivers a speech in Santiago, Chile January 29, 2020. REUTERS/Edgard Garrido/File Photo

Chile: Madaxweynihii dalka oo la ganaaxay

Himilo – Madaxweynaha dalka Chile Sebastian Pinera, ayaa lagu ganaaxay lacag dhan $3,500 markii la arkay sawirkiisa jimcihii isaga oo aanan xirneyn gafuur xir, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta caafimaadka wadankaasi.

Inkasta uu raalin galin ka bixiyay wixii uu sameeyay haddana waxa uu xusay in isaga oo lugeeynaya  xeebta magaalada Cachagua ee u dhaw hooygiisa ay haweeneey aqoonsatay kana codsatay inuu sawir la galo dabadeedna uu ka ogolaaday.

Sawirka oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa la arkayay madaxweyne Pinera iyo haweeneyda oo isku dhaw midkoodna uusan xirneen af-saab, sida ay daabacday Reuters.

Xirashada gafuur xirka waxaa kaga degsan wadanka Chile xeerar adeg kuwaasoo qofka lagu qaadayo markii lagu helo isaga oo aan xirneen joogana goobaha dadweynaha, waxeyna isugu jiraan ganaax lacageed iyo muddo xabsiyeed.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan