Hmilo – Daawadayaashii ayaa ka dareeray masraxa kaddib markii gabadhii la daawanayay ciyaarteeda ay hurdo kula dhacday masraxa ay saarneyd oo ay ku maaweelineysay dad badan.
Gabar la socotay oo ay saaxiibo ahaayeen ayaa isku dayday dhowr mar inay kiciso si ay u sii wadaan bandhigga. Hase ahaatee waxay sii wadatay hurdadeeda si raaxo leh.
Muuqaal laga soo duubay oo aad u baahay waxaa la arkayay gabadha oo ay indhaheedu xiran yihiin isla markaana fadhida qeybta kore ee masraxa laga daawanayay.
Hooyada dhashay gabadha waxay sheegtay inay gabadheedu xilliga qadada ay qaadato hurdo. Ugu dambeyn ciyaartii ayay dib u billowday markii la kiciyay mar dambe.
Dhacdadan waxaa laga soo weriyay magaalada Wenzhou oo ku taalla bariga waddanka Shiinaha. Dadka qaar ayaa hurdada gabadha u sababeeyay da’deeda maadaama ay shan jir tahay.
canadian pharmacy cialis Treatment options for breast cancer are initially identified according to the stage of the disease