Home / Dhaqaale / Chuck Feeney: Bilyaneerkii 38-ka sano waday samafalka

Chuck Feeney: Bilyaneerkii 38-ka sano waday samafalka

Himilo – Sheekada ganacsadahan hantiilaha ah oo soo billaabatay sanadkii 1982-kii waa mid wadata tusaalooyin kuu muujinaya deeqsinimada iyo inta ruuxu qarin karo caawinaaddiisa.

Waxa uu abuuray hay’ada samafal, waxaa hadafkiisu ahaa in hantidiisa oo idil uu u hibeeyo dadka saboolka ah, 38-sanno kaddib waxa uu gaaray yoolkiisa isaga oo 89-jir ah.

Chuck Feeney, ayaa ka hodmay ganacsigiisa Duty-Free Shoppers Group, kaas oo uu ka helay hanti gaarey $8-bilyan. Sanadkii 1997-kii ayaa la ogaaday howlaha samafal ee uu sida qarsoodiga ah u waday, markaas oo uu iibinayay saamigii uu ku lahaa shirkaddii uu ka ahaa aas aasaha.

$3.7 bilyan oo ka mid ah hantidiisa waxa uu ku taakuleeyay jaamacado, hal bilyan oo ka mid ah lacagtaasi waxa uu siiyay kaliya jaamacadda Cornell University, halkaas oo uu si bilaash ah wax kaga soo bartay dhalinyaranimadiisii.

$870 milyan waxa uu ugu deeqday ururo kala duwan oo u dooda xuquuqda aadanaha, halka $1.9 bilyanna uu ku qarash gareeyay mashaariic laga fulayay waqooyiga Ireland iyo jamhuuriyadda Ireland.

38 sanno oo uu caawinaadaasi waday kaddib, hay’adiisii samafal waa ay lacag beeshay todobaadkan. ganacsadahan waayeelka ah ayaa ku yiri the guardian “Waxaan ku faraxsanahay in howlshii samafal aan kusoo gabagabeeyo saacadeyda”

Inkasta oo uu bilyaneer yahay Chuck Feeney waxa uu ku nool yahay guri kiro ah, mahaysto wax gaari ah kabana waxa uu ka leeyahay hal joog oo kaliya.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan