Daraasad cusub ayaa lagu ogaaday cunidda baastada ay faa’ido u leedahay in qofku uu noqdo mid dhuudhuubaan oo aanay buurnaan u soo dhowaan.
Cilmibaarayaasha oo ka tirsan machadka Neuromed Institute ayaa baaritaano mariyay 23,000 oo ruux, si ay u hubiyaan xiriirka ka dhexeeya dhuubnida iyo baastada.
Kaddib howshoodii qubara ka tirsan machadka ku yaalla magaaladda Pozzilli ayaa xaqiijiyay in masaafo fog ay u dhexeyso isticmaalka baastada iyo u dhowaanshiyaha cayilka.
Dadka sida joogtada ah u isticmaala baastada ayaa la ogaaday inay ka dhex yaryihiin kuwa aan isticmaalin marka la cabirro wareegga dhexda.
George Pounis oo hogaaminaya daraasadda ayaa tilmaamay in dad badan ay horaan aaminsanaayeen isticmaalka baastadu inay buurni horseeddo, taase ay meesha uga baxday shaqada ay iminka qabteen.
Dr Gunter Kuhnle oo ka tirsan Jaamacadda Reading ayaa isna sheegay in cilmi baarayaasha ay ayidsan yihiin, waqtigii loo baahnaana ay baahiyeen cilmi baaristooda natiijadii kasoo baxday.
Inbadan oo kamid ah dadka ayaa ku andacooda in cuntooyinka ay ku badanyihiin carbohydrates sida baastada lagu cayilo.
Xigasho: Nutrition & Diabetes journal