Home / Macluumaad / Cilmi baaris lagu ogaaday ragga Netherland iyo dumarka Latvia inay dunida ugu dhaadheer yihiin

Cilmi baaris lagu ogaaday ragga Netherland iyo dumarka Latvia inay dunida ugu dhaadheer yihiin

Marka ay joogto dherer, ragga Netherland iyo dumarka Latvia ayaa ah kuwa ugu dhaadheer dunida sida lagu ogaaday daraasad cusub.

Cilmi baarista ayaa xuseysa in celcelis ahaan ragga u dhashay Netherland uu dhererkoodu yahay 183cm (6ft) halka dumarka Latvia ay dherer ahaan yihiin 170cm (5ft 7in).

Daraasadda ayaa lagu daabacay journal eLife, iyadoo xog badan laga uruuriyay isbedellada koriimada 187 dal tan iyo sanadkii 1914.

Sida lagu ogaaday cilmi baarista sanadkii 1914, ragga Mareekanka ayaa ahaa kuwa saddexaad ee dunida ugu dhaadheer, halka hablahoodu ahaayeen kuwa afaraad ee dumarka dunida ugu dhaadheer.

Imminka hanaanka koriimada awgeed waa ay isbedeleen oo hablaha Mareekanka ayaa ah kuwa 42aad ee dunida ugu dhaadheer halka raggooduna yihiin kuwa 37aad ee dhanka dhererka ragga dunida ku nool.

Ragga ugu gaagaaban dunida ayay cilmi baaristu sheegeysaa inay yihiin kuwa u dhashay dalka East Timor oo celcelis ahaan dhererkoodu yahay 160cm (5ft 3in).

Hablaha ku nool dalka Guatemala ayaa weli ah kuwa dunida ugu gaagaaban, iyagoo sanadkii 1914kii la ogaaday haweenkooda 18 jirka ahi ay dherer ahaan dhamaayeen 140cm (4ft 7in), misna ilaa imminka dhererkoodu ma gaarsiisna 150cm (4ft 11in), sida daraasaddu sheeganeyso.

Dadka ku nool dalalka Japan, China iyo South Korea ayaa aad u dhaadheeraanaya marka loo eego 100 sano kahor.

James Bentham oo ka tirsan Imperial College London ayaa sheegay in dadka ku nool Koonfurta Asia sida India, Pakistan iyo Bangladesh aanay dherer siyaado ah helin marka loo eego dadkoodii noolaa boqol sano hortood.

Majid Ezzati oo hogaaminayay cilmi baarayaasha ayaa sheegay in hidde sidaha aanu sabab u noqon karin isbedelladan isagoo aaminsan in deegaanku sabab weyn leeyahay.
Waddamada ay u dhasheen ragga dunida ugu dhaadheer waqtigan (1914 booska ay joogeen):
Netherlands (12)

Belgium (33)
Estonia (4)
Latvia (13)
Denmark (9)
Bosnia and Herzegovina (19)
Croatia (22)
Serbia (30)
Iceland (6)
Czech Republic (24)

Waddamada ay u dhasheen dumarka dunida ugu dhaadheer waqtigan (1914 booska ay joogeen):

Latvia (28)
Netherlands (38)
Estonia (16)
Czech Republic (69)
Serbia (93)
Slovakia (26)
Denmark (11)
Lithuania (41)
Belarus (42)
Ukraine (43)

Xigasho: BBC
W/T: Nasri Ahmed
Speed03623@gmail.com

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan