Home / Daraasad / Cilmibaaris: Africa waa xudunta dhimashada ka dhalata wasaqeynta Degaanka

Cilmibaaris: Africa waa xudunta dhimashada ka dhalata wasaqeynta Degaanka

Himilo – Wasaqeynta degaanka ee sii xumaaneysa ayaa sababtay in qiyaastii 9 milyan oo ruux ay ugu geeridoodeen dunida tan iyo sanadkii 2015-kii, tiradaasi waxey ka badan tahay middii u dhimatay Covid-19, sida ay muujineyso daraasad natiijada daabacay maanta.

Hawada la wasaqeeyo oo lagu daray tan ka dhalatay degaameynta aadana, ayaa kordhisay 7% dhimashada la xiriirta wasaqowga degaanka laga soo billaabo 2015-kii illaa 2019-kii, Africa ayaa noqotay halka saameynta taban ee ugu badani ku yeelatay.

Biyaha wasaqeysan, ciidda iyo qiica ka dhasha digada xoolaha iyo guxusha la gubo, ayaa ka dhigtay dalalka Jaad, Jamhuuriyadda bartamaha Africa iyo Niger in laga diiwaan galiyo dhimashada ugu badan, sida lagu shaaciyay cilmibaarista.

Marka laga yimaado dalalkaasi, shaxda tobanka dal ee dhimashada ugu badan laga diiwaan geliyay waxaa kasoo muuqday dalkeena Soomaaliya, Koofur Africa, Waqooyiga Kuuriya, Lesotho, Bulgaria iyo Burkina Faso oo booska tobnaad gashay.

Mashaariicda dowladaha ee lagu dhimayo dhaqdhaqaaqyada lagu wasaqeeyo hawada sidoo kale na lagu horumarinayo faya-dhowrka bulshada ayaa horseeday in dhimashadu hoos u dhacdo meela badan oo caalamka ah.

Ethiopia iyo Nigeria oo ka mid ah dalalkaasi, dadaalada soconaya waxey dhaliyeen in seddax meelood laba meel geeridu ay yaraato intii u dhaxeysay sanadihii 2000 iyo 2019.

Rachael Kupka, kaaliyaha qoraagga cilmibaarista ahna madaxa shabakadda Global Alliance on Health and Pollution ee fadhigeedu yahay New York, ayaa hoosta ka xariiqay in shucaaca ka baxa biraha daxaleystay iyo wasqowga hawada ee ka dhashay suntan beeraha ay kordheen 66% wixii ka danbeeyay sanadkii 2000, taasi oo muujineysa inay door ka qaateen kororka dhimashada.

Waxa uu qiray Kupka in horumar xagga yareynta wasoqowga hawada ah laga sameeyay caasimado ay ka mid yihiin Bangkok, Bijiin, iyo Mexico City. Balse waxaan la iska indha tiri Karin oo ay tahay in hoosta laga xariiqo inay jiraan kuwa kale oo heerka uu kordhay.

Waxaa ka mid ah New Dehli, inkasta oo ay dowladda India 2016-kii billawday dedaal dadka lagu siinayo haamaha gaaska si looga guuro qoraya la shito.

Richard Fuller oo sidoo kale ka mid ah qoraayada cilmibaarista madaxna ka ah hay’adda aan faa’iida doonka ahayn ee Pure Earth, ayaa isaga oo sifeeynaya xaaladda taagan waxa uu ku tilmaamay sida “innagga oo ku fadhina dhari karkaraya”.

 

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan