Home / COVID 19 / Cilmibaaris: Feyruska Corona waxa uu ku badbaadi karaa oogada sare ee Taleefankaaga 28-cisho

Cilmibaaris: Feyruska Corona waxa uu ku badbaadi karaa oogada sare ee Taleefankaaga 28-cisho

Himilo – Feyruska dhaliya xanuunka Covid-19 ee SARS-CoV-2 ayaa baaqi kusii ahaan kara 28-berri oogada sare ee shaashadda taleefanada gacanta, lacagaha aan isticmaalno iyo biraha dushoodaba, sida lagu ogaaday cilmibaaris ay sameeysay wakaaladda cilmiga seyniska ee dalka Australia.

Mudadaasi waxey ka badan tahay inta uu oogada sare ee sheydaasi ku baaqi noqon karo feyruska sababa herkabka amaba durayga, taas oo lagu qadaro 17-cisho.

Baarayaasha ayaa sheegay in feyruska uusan kusii jiri karin oogada dharka wax ka badan 14-maalmood, markaas oo loo shardinayo in heer kulka dharku gaaro 20-digrii.

Cilmibaaristan ayaa toosh ku ifineysa muhiimadda uu leeyahay faraxalka iyo nadiifinta amaba ka taxadaridda shaashadaha taleefanka, lacagaha iyo dhalooyinka kale.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan