Home / Macluumaad / Cilmibaaris lagu qeexay in DNA lagu ogaan karo heerka aqooneed ee carruurtu tiigsan karto

Cilmibaaris lagu qeexay in DNA lagu ogaan karo heerka aqooneed ee carruurtu tiigsan karto

Daraasad cusub ayaa lagu baahiyay in tijaabada dhiigga ee DNA lagu ogaan karo in carruurtu ay ku safaadayaan oo ku dhibtoonayaan waxbarasha iyo in kale, ilaa ay ka gaarayaan 16 sano.

Cilmi baarayaasha ayaa diiradda saaray hanaanka waxbarasheed ee dhallaanka yaryar, iyadoo looga gol lahaa saameynta iyo xiriirka ka dhexeeya DNA iyo Waxbarashada carruurta.

10% awoodda waxbarasho ee carruurta da’doodu ka hooseyso 16 sano ayaa lagu xaqiijiyay daraasadda inay ku xiran tahay DNA.

Saskia Selzam, oo ku taqasustay Cilmi nafsiyeedka kana tirsan  King’s College, ayaa tiri “Waxaan aaminsannahay in carruurta darajooyinka ay waxbarashada ka gaari karaan lagu ogaan karo DNA.”

Inkastoo keliya 10% ay DNA la xiriirto hab kororka awoodeed ee waxbarashada sida cilmi baarista lagu ogaaday, haddana qolyaha daraasadda sameeyay ayaa qaba in ay tahay qiyaas wax walba lagu cadeyn karo.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan