Home / COVID 19 / Cilmibaaris: Nooca dhiig ee qofka ayaa laga saadaalin karaa halista uu ugu jiro Coronavirus

Cilmibaaris: Nooca dhiig ee qofka ayaa laga saadaalin karaa halista uu ugu jiro Coronavirus

Himilo – Waxaa soo ifbaxaya cadeeymo isi soo taraya oo ku aadan in nooca dhiig ee qofka laga saadaalin karo qatarta uu ugu jiro inuu ku dhaco Covid-19 iyo qandhada daran ee uu ku qaban karo.

Natiijada mid kamid ah cilmibaaris oo lagu daabacay warsidaha Blood Advances, ayaa waxaa lagu salleeyay 473-kun oo ruux oo qaaday cudurka Covid-19.

Sida lagu sheegay cilmibaarista dadka noocyada dhiigoodu yahay A, B iyo AB waxay kaga nugul yihiin qaadista feyruska Corona shaqsiyaadka dhiigoodu yahay O.

Cilmibaaris kale oo lagu saleeyay 95-ruux oo si daran ula qandheysnaa Covid-19, ayaa lagu ogaaday in bukaanada nooca dhiigoodu yahay A amaba AB ay kaga baahi badan yihiin qalabka qofka ka caawiya neefsiga marka loo barbardhigo kuwa kale ee uu ku dhacay cudurka.

Sidoo kale bukaanadan waxey ka cawdaan kilya xanuun, xubnahooda oo shaqada gaba iyo inay kusii raagaan isbitaalka in ka badan inta ay xanuunka la jiifaan bukaanaada nooca dhiigoodu yahay O amaba B.

Dadka xogtooda lagu salleeyay labadan sahan waxey dhammaantood ku nool yihiin dalka Kanada.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan