Muqdisho – Aragtida ah in heerka buurnaanta sii kordheyso dunida oo dhan waxaa qaba dad badan, waxaana saameynta cayilka daran uu leeyahay looga hadlay fagaarayaal dhowr ah.
Marka laga yimaado caafimaad darrida ka dhalan karta buurnaanta xad dhaafka ah haddana waxay arrintan si taban u saameynaysaa nolosha dadka cayilan.
Tusaale yar, cabasho xooggan ayaa toddobaadyadii u danbeeyay laga soo gudbiyay musqulaha diyaaradaha, waxaana dad badan ku adkaatay inay ku safraan diyaarado leh musqulo ciriiri ah.
Mareykanka oo kale, diyaaradaha ugu danbeeyay ee la farsameeyay sida Boeing 737 waxay leedahay musqulo cabbirkoodu yahay 24 Inch oo u dhiganta 61 Sintimitir.
Markii hore, cabbirka musqusha diyaaradan wuxuu ahaa 86 sintimitir laakiin waxbaa laga badalay mar danbe sababo ku qotoma in diyaaradu dooneyso inay qaaddo rakaab badan oo ay tahay in loo helo kuraas.
Cabashada kuma ekaan keliya hadal iyo qoraal, dadka qaar waxay saaxiibbadooda baraha bulshadda la wadaageyn sawirrada musqulo ku dhax yaal diyaarado oo aan waasac aheyn.
Berry Brendes ayaa kamid ah dad aan jecleysan musqulaha ciriiriga ah ee diyaaradaha, waxayna la tahay in wax laga badalo.
“ Musqulaha qaar, si caadi ah uma istaagi kartid,” ayuu yiri Berry oo si joogta ah ugu safra diyaaradaha.
Waxay cabashadan u muuqataa mid laga raadin karo fursad lagu soo jiidan karo macaamiil badan oo qaba duruuf lamid ah midda Berry uu ka dhawaajiyay.
cheap cialis from india Therefore, people who take several drugs are at the greatest risk for interactions