Home / Habka-Nolosha / City oo afka ciidda u dartay West Ham United.

City oo afka ciidda u dartay West Ham United.

Manchester City ayaa kusoo laabatay hogaanka horyaalka England Premier League ka dib markii ay gaartay guusheedii seddaxaad ee xilli ciyaareedkaan 2016 illaa 2017 kulankeedii seddaxaad oo ay ciyaartay.

Sky Blues ayaa afka ciidda u dartay West Ham United, iyadoo xiddiga reer England Raheem Sterling uu soo bandhigay qaab ciyaareed heer sarre ah.

Xiddigii hore ee Liverpool Sterling ayaa hogaanka u dhiibay Manchester City daqiiqadii 7aad ee ciyaarta isagoo shabaqa ku hubsaday kubad uu ka helay meel shabaqa u dhow.

Fernandinho ayaa goolka labaad u dhaliyey Man City daqiiqadii 18aad isagoo shabaqa ku hubsaday madax xoogan ka dib markii uu xiddiga reer Brazil karoos ka helay xiddiga heerka caalami ee dalka Belgium Kevin de Bruyne.

Sidaas ayaana lagu kala nastay qeybtii hore ee ciyaarta, daqiiqadii 58aad ee ciyaarta xoogweyne Michail Antonio ayaa gool usoo celiyey West Ham isagoo madax cajiib ah shabaqa ku hubsaday.

Laakiin Sterling ayaa guusha u xalaaleeyey Man City daqiiqadii 90aad markaasoo uu qaab ilqabad leh u dhaliyey goolkiisii labaad ee kulankaan, Man City ayaana farqiga goolasha ku hogaamineysa Premier League iyadoo 9 dhibcood la wadaagta Manchester United iyo Chelsea.

Kulanka xigga, Man City ayaa foodda dari doonta Man United kulanka Manchester Derby marka laga soo laabto ciyaaraha heerka caalami.

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan