Home / Arrimaha Bulshada / Ciyaartow lugo la’ oo loo qabtay tartan kubadda cagta ah

Ciyaartow lugo la’ oo loo qabtay tartan kubadda cagta ah

Himilo – Rag ka socday gobolka Idlib ee dalka Suuriya ayaa ka qayb galay ciyaar kubbadda cagta ah oo aan caadi ahayn, iyadoo ciyaartoyda labada kooxood ay ahaayeen kuwo la’ mid kamid ah labada lugood.

Ciyaartoyda ayaa loo kala qeybiyay labo kooxood, oo lagu kala magacaabo Idlib iyo Afrin, taas oo lagu doonayo in looga gudbo dhibaato kasta oo dagaalka dalkaasi ku reebay dadka iyo sidii niyad dhis ugu noqon laheyd raggan oo ku waxyeeloobay dagaalladii cuslaa ee ka dhacay Suuriya.

Ciyaartoyda ayaa intii ay ciyaartu socotay waxa ay isticmaaleen biraha ka saacida socodka ee ay adeegsadaan dadka ka waxyeelooba mid kamid ah labada lugood.

Ciyaarta ay soo bandhigeen labada dhinac ayay mahadiyeen daawadayaashii ku sugnaa goroonka ay cayaartu ka dhaceysay, kuwaas oo kala taageerayay labada dhinac.

Goolyaheyaasha ayaa iyaguna la’aa mid kamid ah gacmahooda, waxaana dhammaan cayaartooyda labada koox ka muuqatay xamaasad, firfircooni iyo rajo.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan