Home / Cayaaro / Ciyaaryahankii hore ee Tottenham Hotspur Aaron Lennon oo ka fariistay kubada cagta

Ciyaaryahankii hore ee Tottenham Hotspur Aaron Lennon oo ka fariistay kubada cagta

Himilo – Ciyaaryahankii hore ee Tottenham Hotspur iyo xulka England Aaron Lennon ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha kubadda cagta isagoo 35 jir ah.

Weeraryahanka ayaa ka tagay Burnley markii uu dhacay qandaraaskiisa dhamaadkii xilli ciyaareedkii 2021-22 waxana uu ahaa wakiil xor ah tan iyo xagaagaas.

Lennon ayaa sidoo kale matalay Tottenham, Leeds United, Everton iyo Kayserispor intii uu ku guda jiray xirfadiisa ciyaareed, ciyaaryahankii hore ee England ayaa haatan dareemaya in la joogo waqtigii uu banneyn lahaa garoomada.

“Waxaan ugu dambeyntii go’aansaday in la joogo waqtigii saxda ahaa ee aan iska bixin lahaa kabahayga, Waxay ahayd go’aan aad u adag maadaama kubada cagta ay nolosheyda,” Lennon ayaa ku soo qoray baraha bulshada.

Wadar ahaan, Lennon wuxuu saftay 416 kulan oo Premier League ah muddadii dheerayd ee uu ku jiray xirfadiisa ciyaareed, isagoo dhaliyay 36 gool.

About Ahmed Haaddi

error: Copy lama Ogola Fadlan