Xiriirka kubadda cagta Yurub ayaa go’aamiyay in garsooraha Premier League Mark Clattenburg uu dhexdhexaadin doono cayaarta kama danbeysta u ah tartanka qaramada qaaradda Yurub oo dhexmari doonta xulalka Faransiiska iyo Portugal.
Clattenburg ayaa isu diyaarinaya Axadda inuu qabto cayaarta ka dhici doonta Stade de France kaddib lix toddobaad markii uu qabtay Champions League Final oo Milan ku dhexmaray Real Madrid iyo Atletico Madrid.
41 jirkaan reer Ingiriis ayaa sidoo kale qabtay 21 may finalkii FA Cup ee Manchester United u awood sheegatay Crystal Palace.
Clattenburg waxaa caawiyaal u noqon doona Simon Beck iyo Jake Collin halka caawiyaasha dheeriga ay yihiin Anthony Taylor iyo Andre Marriner.
Kooxdan garsoorayaasha ah ayaa horaan inta tartankan uu soconayo u soo dhexdhexaadiyay saddex kulan oo kala ahaa Switzerland v Poland, Czech Republic v Croatia iyo Belgium v Italy.