Home / Habka-Nolosha / Conte: “Ma ila ahan inaan sida Wenger iyo Sir Alex ciyaaraha ku jiri karo waqti badan.”

Conte: “Ma ila ahan inaan sida Wenger iyo Sir Alex ciyaaraha ku jiri karo waqti badan.”

Muqdisho – Antonio Conte ayaa maleynaya inuu Sir Alex Ferguson u yahay tusaale, hayeeshe ma oga haddii uu sida isaga oo kale shaqadiisa ku dhameysan karo da’dii uu ruug-cadaagu kaga fariistay ciyaaraha.

Agaasimaha kooxda Chelsea, Michael Emenalo, ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa in Conte uu sii wado shaqada tababarenimo ee ciyaaraha Chelsea, balse macalinka ayaan hubin haddii uu sida Ferguson dheereysan karo mihnaddiisa ciyaaraha.

Sir Alex ayaa koobab badan ku guuleystay xilligii uu ahaa macalin Man United-ka oo ay ku jiraan 13 koob oo horyaalka England PL iyo laba koob oo Champion League. Conte ayaa xusay mudnaanta uu u hayo waaya’aragyada ku ruug-cadaaday kubadda cagta gaar ahaan England ee Sir Alex Ferguson iyo Arsen Wenger.

“Marka laga hadlo Wenger iyo Sir Alex waxay ii yihiin tusaale, ilama ahan inaan dhamaysto sida fog ee ay iyagu kusoo jireen kubadda cagta,” ayuu yiri Conte.

Macalinka ay kuwada loolamaan horyaalka PL, Pep Guardiola ayaa sidoo kale dhawaantan wuxuu sheegay inuusan hubin haddi uu ciyaaraha kusii jiri karo iyo in kale markuu dhamaysto heshiiska uu kula jiro kooxdiisa Manchester City ee ku ciyaarta gegida Emirates.

Conte waa 47 jir kamid ah tababarayaasha ugu da’da yar ee ku jira macalimiinta ku loolamaysa hanashada horyaalka England PL.

 

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan