Home / Dhaqaale / Corona Virus: Dilaaga Qarsoon ee Dalxiiska

Corona Virus: Dilaaga Qarsoon ee Dalxiiska

Himilo – Qalqalka ka dhashay Xanuunka COVID-19, ayaa dhaawac xooogan waxa uu gaarsiisay dalxiiska Dunida.

Lixdii bile ee ugu horreeyay sanadkan, lacag dhan 460-bilyan oo doolar ayey qasaareen dalalka ku tiirasanaa dalxiiska, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Hay’adda Dalxiiska Dunida, ayaa sheegtay qasaarahaasi inuu shan jibaar ka badan yahay midkii la diiwaan galiyay sanadkii 2019-kii markaas oo xasarado dhaqaale ka jireen caalamka.

Waxaa la waayay 65% dalxiisayaashii booqan jiray goobaha loo dalxiis tago, waxaana qasaaraha ugu badan uu gaaray dalalka Qaaradda Aasiya ee dalxiiska leh.

Inkastoo dalxiisku hadda xoogaa dib usoo laabanayo dalalka qaar, haddana hey’adda UNWTO ee fadhigeedu yahay Madrid-Spain, waxey ka digeysaa in saameynta taban ay sii jiri karto sanadka oo dhan.

In laga soo kabtaa saameyntaasina waxey qaadan kartaa laba illaa afar sanno oo kale, markaas oo uu gaari karo heerkii 2019-kii.

Wadanka Faransiiska, ayaa sanadkiii soo dhaweeya dalxiisayaasha ugu badan halka Spain iyo Mareykanka ay ku jiraan kaalmaha labaad iyo seddaxaad marka la eego shaxda wadamada dalxiiska ku horumaray.

About Sadia Nour

One comment

  1. Cancer is a global burden buy cialis online no prescription Elsevier BV; 2011; 37 1059 1063 10

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan