Home / Habka-Nolosha / Costa farriin dabacsan kaga jawaabay xantiisa tegitaan

Costa farriin dabacsan kaga jawaabay xantiisa tegitaan

Muqdisho – Laacibka Diego Costa ayaa dhanbaal dhiiri-gelineed u diray kooxdiisa Chelsea tiiyoo ay jirto xan hoose oo ah inuu ka dhaqaaqayo kooxda.

Laacibka Spain u dhashay ayaa laga tagay ciyaartii kooxdu la lahayd dhiggeeda Leicester City oo Chelsea ku marti-gelisay gurigeeda King Power Stadium.

Chelsea ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho tibaaxda ku saabsan tegista Costa. Hayeeshe wararka ayaa sheegaya suura-galnimada ah in laacibkan wada-hadal kula jiro kooxda ka dhisan horyaalka Shiinaha ee Tianjin Quanjian taas oo ku dooneya adduun lacageed gaaraya 80 malyuun oo Gini.

15802106_1355527657854944_2746781359891546112_n

Ka falcelinta wararka xanta ah, Costa ayaa bartiisa Instagram-ka ku muujiyay wadajirnimadiisa madaxda Chelsea.

Dhigista sawir isaga iyo Pedro oo u dabaal-degaya ciyaar ay la yeesheen Tottenham, wuxuu ku dul qoray Come on Chelsea!

Faallooyinka xigay kadib dhigista sawirka bartiisa Instagram-ka ayaa noqday kuwo u badan codsiyo kaga imaanayay taageerayaasha naadiga oo ka dalbanayay inuu ku nagaado gegida Stampford Bridge.

Costa ayaa 14 gool ku hoggaaminaya kala horreynta gool-dhalinta horyaalka England PL

About radio himilo

error: Copy lama Ogola Fadlan