Home / Habka-Nolosha / Coutinho oo aan ku jirin safka kahor-tagi doona kooxda Hoffenheim

Coutinho oo aan ku jirin safka kahor-tagi doona kooxda Hoffenheim

Muqdisho – Philippe Coutinho ayaa ka maqan safka Liverpool ee Jarmalka ugu duulay is reebreebka Champions League kulanka ay la ciyaari doonaan kooxda Hoffenheim.

25 jirkan ayaa  lala xariirinayaa in uu uu u dhaqaaqi doono kooxda Barcelona, iyaga oo doonaya in ay badal kaga dhigaan xiddigii ka falaagoobay ee Neymar.

Macalinka kooxda Reds, Jurgen Klopp ayaa magacaabay 22-kiisa ciyaaryahan ee uu ula safray Jarmalka kuwaas oo ka qeyb noqon doona lugta hore ee is reebreebka.

Liverpool ayaa ku ciyaari doonta Rhein-Neckar-Arena habeennimada Talaadada, Coutinho ayaana kamid aheyn ciyaartoyda nasiibka u yeelatay kulankan.

Brazilian-kan ayaa ka yimid kooxda Inter Milan sanadkii 2013, wuxuuna seegay kulankii Premier League ee barbaraha Liverpool ay la gashay naadiga  Watford Sabtidii.

Magacyada ciyaartooyda Liverpool ee lamagacaabay halkaan ka aqriso:

Alexander-Arnold, Moreno, Lovren, Milner, Wijnaldum, Henderson, Can, Mane, Salah, Firmino, Kent, Solanke, Origi, Gomez, Klavan, Flanagan, Robertson, Matip, Grujic, Mignolet, Karius, Ward.

Qore: Abdiaziz Adan Urur.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan