Himilo – Badi bukaannada qaada feyruska SARS-CoV-2 ee dhaliya cudurka Covid-19, uma baahna iney aadaan isbitaal amaba la jiifiyo waxaase dhaqaatiirtu ku taliyaan in bukaanku tago xarun caafimaadka haddii:-
- Neef qaadashada ay ku adkaato bukaanka, markaas oo uu ay tahay inuu helo qalab ka caawiya qaadashada neefta Oxygen-ta sida Ventilation-ka iyo
- In xaaladaadiisa caafimaad ay kasii darto oo u baahdo caawinaadda howl wadeenada caafimaadka.
Sababta ugu wayn ee bukaanada uu ku dhaco Covid-19 u aadaan isbitaalka ayaase ah neefsiga oo ku adkaada. Dadka da’da ah amaba horey ula noolaa xanuuno kale sida Macaanka, Dhiig karka, Neefta amaba Wadne xanuunka waa kuwa ugu badan ee sida daran ula xanuunsada Covid-19, BBC-da ayaa sidaasi sheegeysa.
Ragga ayaana kaga horreeyay dumarka marka la fiiriyo dadka dunida ugu dhimanaya xanuunka, sida ay warisay BBC-da.
Mar waliba oo aad isku aragto astaamaha Covid-19 waa inaad la xiriirtaa howl-wadeenada caafimaadka si laguu caawiyo.