Home / COVID 19 / Covid-19: In ka badan 45-kun oo ruux ayuu ku dilay Africa

Covid-19: In ka badan 45-kun oo ruux ayuu ku dilay Africa

Himilo – Waxaa korortay tirada dadka ugu geeriyoonaya feyruska Karona qaaradda Africa, iyada oo gaartay 45,282 ruux, sida ay shaacisay xarunta xakamaynta iyo ka hortagga cududrada ee Africa.

Sida lagu sheegay xogta CDC, dad ka badan hal milyan iyo 881-kun oo ruux ku nool dalalka qaaradda ayaa qaaday Covid-19. Gobolka koofureed ee qaaradda ayaa barta uu saameynta taban ku leeyahay xanuunka, iyada oo laga diiwaan galiyay 824-kun oo kiis oo ay ku jiraan 21,300 oo dhimasho ah.

Waqooyiga, ku dhawaad 573,500 oo qof ayaa qaaday feyruska, in ka badan 15-kun-na waa ay u geeriyoodeen. 194,300 oo ku nool dacalka galbeed ee Africa ayaa laga helay Covid-19.

Bariga Africa waxaa laga diiwaan galiyay 228-kun oo kiis, kuwaas oo 4,400 ay yihiin dhimasho. Bartamaha qaaradda ayaa laga soo wariyay kiisaskii ugu yaraa oo gaaraya 61,500.

Marka wadamada la eego K/Africa ayaa noqday dalka laga diiwaan galiyay kiisaska ugu badan, madaxweyne Cyril Ramaphosa waxa uu ku booriyay buslahada inay raacaan hab-raacyada ay dejisay wasaaradda caafimaadka.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan