Home / COVID 19 / Sida uu COVID-19 u beddelay Muuqaalka Adduun-weynaha

Sida uu COVID-19 u beddelay Muuqaalka Adduun-weynaha

Himilo – Covid-19 wuxuu galaaftay nolosha dad badan iyo xayiraad iyo cuuryaamin dhaqaale oo caalami ah. Balse sannad kaddib, waxaa la isku maandhaafsan yahay halka loo celin karo ciriga uu kasoo jeedo.

Balse intaan ka hadlin dadaallada loogu jiro helidda dawadiisa iyo in si dhab ah loo fahmo waxa dhalin kara, aan qaadaa-dhigno sida uu ku baahay.

Janaayo sannadkii 2020, Covid-19 wuxuu goor hore ku dhex baahsanaa suuqyada magaalada Wuhan oo ah xarun dhaqaale oo sal-adag ahna sidoo kale halkii uu kasoo bilowday.

Bishii December 2019 xanuun faafaya ayaa laga soo weriyay magalaada. Badi kiisaska la helayayna waxaa loo celinayay suuqyada lagu iibiyo cunnooyinka laga helo badda sida kalluunka iyo wixii la halmaala.

Waana tallaabtii ugu horreysay oo horay loogu qaado xakameynta xanuunkaas oo weli aan loo helin jiho iyo magac lagu sunto. Saddex toddobaad kaddib, magaalada Wuhan oo dhan waxaa lagu soo rogay Bandow ballaaran.

Kolkii hore la’aanta xogo xeeldheerin kara xaqiiqda halka uu ka yimid xanuunkan ayaa sababtay in lagu qaldo xanuun SARC Covid-2. Xattaa kolkii hore, dadka uu soo rito wax aan ka ahayn inuu haleelay oofwareen looma fileyn.

Laakiin marwalba way iska cadeyd in badi dadka uu soo ridanayo ay ku badnaayeen suuqyada lagu iibiyo cunnooyinka siiba hilibka kiisa cad. Balse in yar kaddib waxaa soo if baxday in suuqyada caadiga ah ee lagu iibiyo hilibka aysan ahayn halka laga filan karo inuu cudurkani kasoo jeedo.

Adduun dhan 74 bilyan ayaa Shiinaha uga baxa ka gancsiga iyo cunista hilibka duurjoogta oo masasku kamid yihiin, waxaa kale oo suuq furan ah ka ganacsiga iyo cunista hilibka bisadaha iyo eeyada kuwaas oo tooshka ku daaray halista caafimaad ee laga heli karo cunitaankooda.

Hubaashiina, kasokow, dhibaatada caafimaad ee ka dhalan karta cunistooda, waxaa usii dheer, xabisitaanka qaar badan oo kamid ah kuwaas oo lagu ilaaliyo shabaqyo ay wadar wadar ugu jiraan taas oo sida seynisyahannadu tilmaameen keeni karta faafitaanka feyrasyada ay sidaan.

Waxaa kale oo la isku raacay in 30% xanuunka jira uu feyruskiisa ka yimid xayawaannadaas siiba masaska, balse tijaabadii ugu horreysay oo laga sameeyo ogaanshiyaha xanuunka waxaa la ogaaday inuu ka yimid Fiidmeerta ama Kobolliga.

96% isku dhiska feyrusku ka sameysan yahay oo laga helay bukaannada uu soo ritay Covid-19 waxaa laga helay Kobboliga. Si guud marka loo hadlo, Fiidmeertu waxay si heer hoose u xambaarsan tahay feyrus u diidaya inay xanuunsadaan ama ay soo muujiyaan astaamaha iyaga oo isla mar ahaantaas gabaad u ah feyruska.

Balse ma ahan Kobolliga oo qura mid xambaarsan feyruska Corona. Khubarada ayaa ogaaday in xayawaanka Qarandiga la jaal ah oo la yiraahdo Bangalin uu sido 92% feyruska Covid-19.

Sida duurjoogta kale, Bangalin waa nuuc hilibkiisa aad looga cuno qeybo badan oo Shiinaha katirsan taas oo loo filan karo inuu ka dhashay xanuunka. Waxaa kale oo muhiim ah in la fahmo in SARC Cov2 la ogaaday asalkiisa inuu kasoo jeedo isku dhiska feyruska uu sido noolaha Banaglin.

Sidaas darteed, seynisyahannada ayaa qaba in xanuunkani uu aadanaha uga yimid xagga noolaha kale, balse waxaan jirin xaqiiq qoto dheer oo si dhab ah u farmuuqi karta waxa xanuunkani sababay.

Hey’adda Caafimaadka Dunida wali waxay u baahan tahay jawaab sugan.

Balse dowladda Shiinaha ayaa ku hal-adag in xanuunkani uga yimid meel dalkeeda ka baxsan halka Maraykanku uu ku andacooday in virus-kani yahay mid lagu farsameeyey sheybaar. Maamulkii Trump ayaa Shiinaha ku eedeeyey inuu dunida usoo dhoofiyay nuuc cusub oo feyrus ah kaas oo lagu sanceeyey Machadka Wuhan Institute of Virology. Hayeeshe, seynisyahannada ayaan wali helin caddeymo ayidi kara eeddaas uu  Maraykanku u jeediyay Shiinaha.

Waxa kaliya oo Shiinuhu uu hadda mamnuuc ka dhigay ka ganacsiga xayawaannada duurjoogta ah. Mana ahan Shiinaha oo kaliya midka go’aankaas gaaray. Dalal kale, siiba kuwa dhaca Galbeedka Afrika sida Gaaboon ayaa mamnuuc ka dhigay cunista iyo ganacsiga Bangalinka, Fiidmeerta iyo dabcan dhammaan xayawaannada duurjoogta ah.

Waase burburinta dabeecadda degaanka sida xaalufinta dhirta midda keeneysa in feyruusyo badan oo ay sidaan xayawaannada ay si fudud ugu soo gudbiyaan bani aadanka. Seynisyahannada ayaa hadda ku baaqaya in la dhimo lana mamnuuco ka ganacsiga iyo dabargoynta xayawaannada duurjoogta ah laga barto si looga fogaado taariikh isasoo celisa mar labaad.

About Ahmed Haaddi

One comment

  1. generic finasteride international No relevant outcomes reported PubMed 23532744

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan