Himilo – 22-jir ku nool Mareykanka ayaa muddo laba jeer ah qaaday feyruska SARS-CoV-2, ee dhaliya xanuunka Covid-19.
Marka danbe waa ay sii adkaatay xaaladiisa, illaa ay sanbabadiisu Oksijiinka siin waayeen jirka intiisa kale, sida ay sheegeen dhaqaatiirtii dabiibeysay.
Inkastoo hadda uu soo boksaday, dhacdooyinka noocaas oo kale ahna ay yihiin kuwo naadir ah, haddana waxey su’aal galisay awoodda habdhiska difaaca jirka u leeyahay la qabsashada feyruska.
Seynisyahano ka tirsan jaamacadda Nevada, ayaa baaris ay sameeyeen ku sheegay in bukaanka laba jeer qaaday Feyruska Corona ay la micne tahay in kaliya feyruska uu seexday dabadeedna soo laba kacleeyay.
“Waxey natiijadeenu muujineysaa in caabuq horey ugu dhacay jirka uusan si toos uga hortagi karin mid mustaqbalka yimaada” ayuu yiri Dr Mark Pandori, oo ka tirsan cilmibaaraaysha.
Wxa uu sii raaciyay in xittaa dadka ka bogsaday Covid-19 ay tahay inay raacaan hab-raacyada la dejiyay sida, kala fogaanshiyaha, xirashada Af-saabka iyo faraxalka.
Seynisyahanada ayaa wali la daalaacaya fahanka jahwareersan ee la xiriira Covid-19 iyo habdhiska difaaca aadanaha.