Home / COVID 19 / Covid-19 oo kusii fidaya Mareykanka

Covid-19 oo kusii fidaya Mareykanka

Himilo – Mareykanka, kiisaska cudurka dilaagga ah ee Covid-19 ayaa kor u dhaafay 13 milyan oo kiis, sida ay shaacisay jaamacadda Johns Hopkins.

Lix cisho kahor kiisasku waxey ahaayeen 12-milyan oo kale, waxaana wax ka yar todobaad qaaday feyruska karona dad ka badan hal milyan oo ruux.

Khubarada caafimaadka bulshada, ayaa ka digaya in tani noqon karto mowjadii ugu dhimasha badneyd ee soo marta Mareykanka, iyadoo tirada kiisaska sii kordhayaan isbitaaladuna ay buux dhaafayaan.

Kororkan xawaaraha ku socda ayaa yimid kaddib markii horraantii bishan shirkadda cilmibaarista Pantheon Macroeconomics ay saadaalisay in Mareykanka la diwaan galin doono maalinkii hal milyan oo kiis waxa lagu gaaro dhammaadka sannadkan.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan