Himilo – Cristiano Ronaldo ayaa diiday dalab lacageed weyn oo uga yimid dhanka dalxiiska Sacuudi Carabiya.
Waxaa la weydiiyay inuu sameeyo xayeysiin si uu u dhiirrigeliyo dalka inuu noqdo meel loo dalxiis tago xiliyada fasaxa waxaana la sheegay in loo soo bandhigay lix milyan oo euro sanadkii.
Taasi waa sida laga soo xigtay The Telegraph, Qeyb ka mid ah heshiiska, Ronaldo ayaa ka soo muuqan lahaa xayeysiinta waxaana la weydiisan lahaa inuu booqasho ku yimaado dalka.
Wargeyska Ingiriiska ayaa sidoo kale sheegay in wakiilada Lionel Messi sidoo kale lala xiriiray oo la hor dhigay fursad la mid ah.
Tani ma ahan markii ugu horreysay oo Sucuudigu u weecdo dhanka kubadda cagta si kor loogu qaado dalxiiska, maaddaama dalku xitaa martigaliyay 2020-ka Supercopa de Espana.
Waxay isku dayayaan inay bilaabaan olole ah “Booqo Sucuudiga”, laakiin waxaa si aad ah loogu dhaleeceeyay muddooyinkii ugu dambeeyay diiwaanka xuquuqda aadanaha.