Home / Cayaaro / Cristiano Ronaldo oo oggolaaday in uu ku biiro Inter Miami

Cristiano Ronaldo oo oggolaaday in uu ku biiro Inter Miami

Himilo – Weeraryahanka Juventus Cristiano Ronaldo ayaa oggolaaday in uu ku biiro kooxda Inter Miami xagaaga soo socda.

Cayaaryahanka 35 jirka ah oo dhaliyay 21 gool oo Serie A ah ayaa qandaraaskiisa Juventus ku egyahay dhammaadka xilli cayaareedka 2021-2022.

Kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ayaa la rumeysan yahay inay dooneyso kordhinta qandaraaska weeraryahanka muddo labo sanno oo dheeraad ah. Sida laga soo xigtay Don Balon, Ronaldo ayaa doorbiddaya u dhaqaaqista MLS.

Warbixinnada ayaa intaa raacinaya in laacibka ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or muddo shan jeer ah uu heshiis la gaaray madaxweynaha Inter Miami David Beckham isaga oo u wareegaya Waqooyiga Ameerika haddii Juventus ku guuldareysato hanashada Champions League-ga sannadka xiga.

Ronaldo ayaa dhaliyay 626 gool 838 kulan oo xirfaddiisa ah.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan