Kooxda Crystal Palace ayaa ku dhawaaqday inay dhameystirtay heshiiska ay kula soo wareegeysay weeraryahankii Liverpool Christian Benteke kaasoo qalinka ku duugay heshiis afar sannadood ah.
Benteke ayaa lagu soo waramayaa in Shalay oo jimca ahyd uu caafimaadka u maray kooxda Crystal Palace, isagoo 32 milyan ginni ku yimid Londonxidigaan reer Belgium.
Palace ayaa diiday inay xaqiijiso lacagta ay ku iibsadeen Benteke, waxaana uu weeraryahanka u sheegay website-ka kooxdiisa cusub: “Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan mustaqbalkeyga u hibeeyay Crystal Palace, waxaan isha ku ahayaa inaan la kulmo tababaraha, ciyaartoyda iyo shaqaalaha.
“Waxaan dareemayaa farxad in heshiiska uu haatan soo dhamaaday, haatana hore ayaan u socon karaa.”
Benteke ayaa ku hungoobay waqtigiisii Liverpool tan iyo markii uu heshiis 32 milyan ginni uga soo wareegay kooxda Aston Villa.