Home / Macluumaad / Cudurka Kansarka iyo jiritaankiisa gudaha Soomaaliya

Cudurka Kansarka iyo jiritaankiisa gudaha Soomaaliya

Muqdisho – Kansarku waa mid kamid ah sababaha dhimashada Insaanka ee qarniga 21aad, marka loo eego hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO. Waana saddaxda cudur ee dhimashada ku keena da’yarta ka hooseysa qaan-gaarka, marka loo eego mareegta Dosomething.

In ku dhow 70%, u dhimashada cudurka Kansarka waxay aalaaba ku badan tahay dalalka soo koraya iyo kuwa saboolka ah.

Loo yaqaan Kaankaro, gudaha Soomaaliya cudurkani wuxuu ka ahaa mid ka jira gu’yaal badan. Hayeeshe aqoon-yarida laga qabi jiray awgeed, badi dadku waxay ka qabi jireen aragti kale, sida uu sheegay dr. Xasan Abdiraxman oo ka howl-gala qaar kamid ah isbitaallada magaalada Muqdisho.

“Kaankarada waxay dadku ka heysan jireen cudur faafa: cudur ku yimaada inkaar ama habaar iyo wixii lamid ah,” ayuu yiri dr. Xasan.

In-kasta oo ay jiraan ku dhawaad boqol nuuc oo Kansarku u qeybsami karo, hadana wuxuu sidoo kale saameyn karaa xubin kasta oo jirka kamid ah. Balse sida ay dhaqaatiirta Soomaaliyeed cilmi-baaristoodu ku sheegeen, 6-dii sano ee ugu danbeysay, cudurkani wuxuu noqday mid kamid ah halisyada caafimaad ee ugu weyn oo laga diiwaan-geliyay bulshadeenna. Waxaana jira calaamado gaar ah oo sababi kara midka ugu badan ee badi bukaannada Soomaaliyeed ku dhaca, marka loo eego dr. Xasan Abdiraxman.

“Cabista shaaha oo nagu badan awgeed, badi nuuca ugu mudan ee la calaamadeeyey waa midka ku dhaca hunguriga cad: kuleylka badan ee shaaha iyo wax walba oo aan diirrimaad dhexe lahayn oo la cuno ayaana sababta ugu weyn iska leh,” ayuu tilmaamay.

Dayaca heysta deegaanka oo badi u nugul wax-yeellada kaga timaada dalalka shisheeye ayaa ah mid kamid ah asbaabaha ugu waaweyn ee sababay cudurka Kaankarada ama Kansarka, sida uu sheegay dr Xasan; bukaannada uu haleelana aalaba kama yimaadaan magaalooyinka.

“Wasaqda harharka warshadaha shisheeye ee lagu soo daadiyo baddeenna ayaa sababta ugu weyn iska leh faafistiisa. Dadka uu badi ku dhacana waxay ka yimaadaan meelaha ka fogfog magaalooyinka – macnahayga miyiga.”

Tilmaanta dr Xasan, waxay kaliya hal dhinac ka taabaneysaa sababaha keeni kara cudurka Kansarka. Sida ay hey’adda caafimaadka adduunka ee WHO ku xustay warbixin ay soo saartay, 22% dhimashada loo dhinto Kansarka waxaa dib loogu celiyaa isticmaalka Tubaakada sida cabista sigaarka. Inaan la istcimaalin Tubaakadase, ayay sii tiri warbixintu, waxay 30% hoos u dhigi kartaa kahortaggiisa. Mana ahan middan oo kaliya. Waxaa kale oo jiri kara tallaabooyin la qaadi karo si looga hortago.

“In la iska qaboojiyo waxlaha kulkul; in dumarku iska dhaafaan dawooyinka korka lagu caddeeyo oo unugyada waxyeeli kara iyo wixii lamid ah ayaa kahortag u noqon kara,” ayuu yiri. “Waxaa intaas dheer, dadku markay isku arkaan waxlo kasoo buurma jirka waa inay ugu yaraan la wadaagan dhaqtar caafimaad si loo ogaado waxa uu yahay; taasna waxay yareyn kartaa in laga hortago.”

In meel la iska dhigo fikirka qaldan ee laga qabo daweynta cudurka Kaankarada, waxay fududeyn kartaa inuu sare u qaadmo aqoonta iyo ol’olaha lagula dagaallamayo xakameyntiisa. Waana mid ay dhaqaatiirtu inta badan ku wacyi-geliyaan bulshada.

“Kansarka waa la daweyn karaa. Waxaana jira habab badan oo lagula tacaalo daweyntiisa. Waana in meel la iska dhigaa walwalka ugu badan ee tibaaxa inaan lala tacaali karin. Cudur majiro ilaa dawadiisana waa la helaa.”

Isha: radiohimilo.so

Qore: Zakariya Xasan Hiraal.

 

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan