Home / Caafimaad / Cudurrada dhimirka: $16 Tiriliyoon ayaa ku baxeysa illaa 2030-ka

Cudurrada dhimirka: $16 Tiriliyoon ayaa ku baxeysa illaa 2030-ka

Warbixin cusub ayaa daaha ka qaaday in haddii aan waxba laga qaban cudurrada dhimirka ee dunida ku soo kordhaya illaa sanadka 2030-ka in lagu weynayo dhaqaale ka badan 16 Tiriliyoon oo doolar.

Warbixinta majalada Lancet ayaa lagu xusay in xanuunada dhimirka ay culeys ku yihiin bulshooyinka iyo dhaqaalaha caalamka intaba.

Waxaa ka qeybgalay diyaarinta warbixinta khubaro caafimaadka nafsiga ah, caafimaadka guud iyo cudurrada neerfaha, waxaa intaa dheer kooxaha u dooda dadka dhimirka la’

Warbixinta si toos ah ma aysan u cadeyn sida kharashka la xusay ku baxayo hase ahaatee waxay digniin ka bixisay cudurrada dhimirka kahor inta aan la gaarin sanadka 2030-ka.

Vikram Patel oo kamid ah dadka diyaariyay warbixinta Lancet ayaa tilmaamay in kharashaadka qaar noqonayaan kuwa toos ah oo ku baxa daryeelka caafimaadka iyo dawooyinka balse waxa uu xusay in inta badan kharashku noqonayo mid aan toos aheyn.

“Xaaladda ma fududa, waxaa loo baahan yahay in tallaabo la qaado,” ayuu yiri Patel oo wax ka dhiga kuliyadda caafimaadka ee jaamacadda Harvard.

Tirakoobyada hay’adaha caafimaadka ayaa muujinaya in ku dhawaad 450 milyan oo qofood inay qabaan xanuunada dhimirka caalamka oo dhan.

About Ahmed Haaddi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan