Home / COVID 19 / Cumaan oo baareysa kiisas looga shakiyay feyruska cusub

Cumaan oo baareysa kiisas looga shakiyay feyruska cusub

Himilo – Wasaaradda caafimaadka dalka Cumaan ayaa ku dhaawqday in afar qof oo safar kaga yimid Ingiriiska laga helay feyrus looga shakisan yahay midka cusub ee sida dhaqsaha ah ku faafa.

Dr. Ahmed Al Saidi, wasiirka caafimaadka ayaa sheegay in aanan illaa iyo hadda la hubin kiisaska la helay inay yihiin feyruska cusub, baarisna lagu hayo si loo ogaado. Waxa uu ku dhawaaqay go’aan lagu xirayao xuduudaha badda iyo barigga laguna joojinayo duulimaadyada muddo todobaad ah, sida ay baahisay wakaaladda wararka Cumaan.

Dowladaha Khaliijka qaarkood ayaa qaba walaaca ah inuu gaaro feyruskaasi cusub, iyaga oo joojiyay dhammaan duulimaadyadii ganacsi xirayna xuduudahooda. Waxaa ka mid ah dowladaha baqdinta qaba tilaabooyinkaasina qaaday Sacuudi Carabiya iyo dalka ay jaarka yihiin ee Kuwait.

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan