Home / Macluumaad / Cuno kariyihii ku kali noqday maqaayadda

Cuno kariyihii ku kali noqday maqaayadda

Himilo – Waxey ahayd maqaayad caan ah oo ku taala degaanka Huntly ee dalka New Zealand, waxaa buux dhaafiyay qeybta lacag bixinta iyo miisaska cuntadaba macaamiil doonaysa in loo adeego, balse kaliya hal shaqaale oo cuno kariye ah ayaa joogay xilligaas.

Markii ay tagtay Emily Puhi, waxey aragtay miisaska buuxa iyo dadka safka ugu jira bixinta lacagta iyo qaadashada dalabkooda oo ay xaqiiqsatay in cuno kariyuhu kaligii yahay, ayey go’aansatay inay caawiso. Durbadiiba haweeney ku jirtay qeybta sugitaan ayaa ku biirtay.

Macaamiil kale ayaa isna doorkiisa qaatay isaga oo nadiifiyay weelashii cunnada. Nasiib wanaagsan, ruux dukaan ku lahaa meel aan ka fogeyn maqaayadda ayaa isagana caawinaad u fidiyay, isaga oo lacagtii ka qabtay macaamiishii loo adeegay.

Emily, oo billaw u ahayd shaqada quruxda badan ee la qabtay, ayaa u sheegtay warsidaha maalinlaha ah ee New Zealand Herald in shaqada la qabtay iyaga oo ogolaanshiyo ka haysta cuntada kariyaha. “Waxa uu ahaa dareen qurux badan” ayey sii raacisay.

Waxey ina xusuusineysaa tani dardaarankii Eebbe wayne ee ahaa isugu naxariista dhulka aan idiinkaga naxariisto samadee!!!

About Sadia Nour

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan