Home / Caafimaad / Cuntooyinka ku habboon Afurka

Cuntooyinka ku habboon Afurka

Himilo – Ramadaan oo ah bisha ugu qiimaha badan 12-ka billood ee ku dhigan taariikh-sheegaha Islaamka, waxaa ay dadka musliinta ah afka xirtaan inta u dhaxeysa waabarka illaa gabbal-dhaca.

Inta badan dunida muslimka waxaa laga soomaa celcelis ahaan 12 saac, wallow ay jiraan dalal laga soomo saacado intaasi ka badan amaba ka yar.

Maadaama qofka muslimka ah uu sooman yahay waqti intaasi la’eg, waxa uu u baahan yahay inuu qaato cuntooyin uu ka heli karo tamar xoogan, sida ay qabaan khubarada ku takhasusay Nafaqada.

Hina Jawed, oo baratay cilmiga nutritional sciences, ayaa ku talineysa in ruuxa soomani ku af-billawdo cuntooyinka fudud sida timirta iyo mushaarida, kuwaasi oo aanan cusleyneynin dheef-shiidkiisa.

Intaasi kaddib waa in uu qaataa cuntooyinka laga helo boritiinka sida, kalluunka, digaagga iyo ukunta, kuwa laga helo karboheydareetka (carbohydrate) sida cuntooyinka ka sameysan burka, iyo Khudradda oo lagu daray kuwa leh dux, sida ay qabto Hina Jawed.

Waxey sidoo kale ku talisay inay muhiim tahay in jirka ruuxa sooman ay tahay inuu helo xaddi biyo oo ku filan inta u dhaxeysa afurka illaa saxuurta, isaga oo isticmaali kara ilaha laga heli karo sida Qaraha, Canabka, Tufaaxa, iyo Qajaarka, kuwaasi oo ka caawin kara in jirkiisu qoyo helana Fitamiino iyo macaadin ku filan.

Maadooyinka Potassium iyo magnesium, ayey sidoo kale ku talisay in laga helo cunnada qofka sooman.

Sujata Sharma, oo ah talabixiye dhanka cudurka Macaanka ayaa ku taliyay in qofka la nool cudurka Sokowga ee go’aansada inuu sooma ay tahay inuu isu dheelitiro cuntadiisa, uuna ka fokaado cunnooyin shiilan.

About Sadia Nour

error: Copy lama Ogola Fadlan